Soomaalisoor - Gudoomiye Mahad Cabdalle Cawad oo si diiran ...
gudoomiye Mahad iyo xildhibaanna la socday oo booqashao ku tagey deegaanka Lajiide

Gudoomiyaha labaad ee baarlamaanka Soomaaliya mudane xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa booqasho ku tagay deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Lajiide, halkaas oo uu shirar kala duwan la qaaday dadka deeganka dagan.

Image may contain: 19 people, people standing

Intii uu guddoomiyihu booqashada ku joogay, wuxuu shirar gooni gooni la qaatay dadweynaha deegaanka kuwaas oo aad ugu faraxsanaa booqashada gudoomiyiha. Dadka geegaanka qaar ka mid ah ayaa waxay sheegayaa in maadaama ay booqashadiisa ahayd tii ugu horeysey ee uu ku miyaado deegaankaan, ay haddana la lacsanaayeen howlaha uu ka wado deegaan.

By admin